Xogmaal Media

Kahor Safarkii labada Madaxweyne ee Jubaland iyo Puntland …

Labo diyaaradood ayaa waxay kala raaceen Goordhaweyd Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland kuwaas oo ukala kicitimay Kismaayo iyo Garowe.

Diyaarad ayaa Siciid Deni waxay ka qaaday Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan,iyadoo daqiiqado kadib Axmed Madoobe wafdigiisa ay diyaarad kale raaceen.

Ka hor inta aysan ka bixin Muqdisho Labada Hogaamiye Maamul Gobolleed waxay shir albaabada uxiran la qaateen Madaxda Golaha Bad baado Qaranka Soomaaliya.

Lama oga go’aanada ay kala qaateen Xasan Sheekh,Shariifka,Kheyre,Madoobe,Deni iyo Cabdi Xaashi oo shirka ku yeeshay Hoteel ku yaalla Garoonka Muqdisho.

Marka ay ka deggaan Garowe iyo Kismaayo ayey warbaahinta la hadli doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Bil kusugnaa Muqdisho wixii ay uyimaadeena ay suurta geli waayeen.

Doorashada oo la rabay in heshiis laga gaaro ayaa wax walbo waxa bedelay muddo kordhintii Labada sano ee shalay Golaha Shacabku ugu dareen Farmaajo.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.