Xogmaal Media

Maxamed Oomaar oo diiday xilka loo magacaabay

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa diiday inuu noqdo wasiirka cusub Wasaaradda wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo loo magacaabay.

War uu soo saaray ayuu ku sheegay in uusan diyaar aheyn in uu qabto xilkaasi cusub ee loo magacaabay.

“Waxaa sharaf ii ah in April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda.

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.

Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed.

Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.