Xogmaal Media

MD Farmaajo oo soo saaray wareegto ka dhana Saadaq John .

Maxamed Farmaajo  ayaa sidoo kale si waafaqsan sharciga ciidamadda qalabka waxaa uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar, waxii xaquuq ah uu lahaa.

Nuqul kamid ah xeerkan ayaa la soo gaarsiiyey Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Saadaq Joon ayaa shalay ku dhawaaqay go’aan ka dhan madaxweyne Farmaajo isagoo ku amray inuu dib ugu laabto Teendhada Afisiyooni.

Taliye Saadaq Joon ayaa sheegay inaan loo baahneyn in dalka qalqal la geliyo iyo in ciidanka siyaasad loo adeegsado,wuuna ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble inuu la wareego hogaanka dalka iyo mas’uuliyadda doorashada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay ineysan aqbali karin in la weeraro Xildhibaano ama la soo xiro waxa uu tilmaamay in ay shaqadooda tahay ilaalinta amniga dalka.

“ Ma dooneyno in qalaqalaaso uu ka dhaco gobalka Banaadir, ma dooneyneyno in dib loogu laabto dagaal iyo aragti kala duwanaansho xabad wadata, ma dhici karta inaan Xildhibaan soo xiro ama soo dilo oo aan sharaftiisa u dhaartay, maanta waxaan hakinay kulankii ay laheeyeen waxaa loo baahanyaay in uu boob dhaco, waa in isfaham la gaaraa Baarlamaanka Soomaaliyana waxaan leeyahay Afar sano ayaad joogteen waqtiga waa idinka dhamaaday dib kalsooni u weydiista haka fikirin inaad wax boobto dadkaaga mar kale kalsooni soo weydiiso”

Saadaq Joon ayaa sheegay inuusan ka shaqeyn karin qofkaas ku duul ama qofkaas soo xir waxa uu tilmaamay qof gurigiisa nabad ku jooga oo magaaladiisa nabad ku maraya in la weeraro ama la dilo.

“Qof walba oo Gobalka Banaadir ku nool anaa mas’uuliyadiisa u taagan hebel hebel ku duul ama qofkaas soo xir waa dhamaatay, ma dooneyno aragti kala duwanaasho xabad wadata ma dhici karto inaan mas’uul ama xildhibaan soo xiro ama soo dilo”  Taliye Saadaq Joon

Ra’iusl wasaaraha Soomaaliya ayuu ugu baaqay inuu qaato mas’uuliyadiisa islamarkana uu la wareego doorashooyinka isagoo ka dalbaday inuu Teendhada ku celiyo madaxweyne Farmaajo.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.