Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Midowga Musharaxiinta uu arrintan ka shaqeynayay Labadii Bilood ee la soo dhaafay iyagoo kulamo la qaadanayay qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Ganacsatada, Haweenka, Odiyaasha iyo Dhalinyarada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Muqdisho lagu dooran doono Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare waxaana ay dooran doonaan Gudoomiyeyasha Labada Aqal Madaxweyne iyo Ra’isul Wasaare.
Waxaa Madaxwayne loo wadaa Sheikh shariif Sheekh Axmad maadama uu hadda yahay Gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran iyo kan Midowga Musharaxiinta
Ra’iisul Wasare ayaa loo magacaabi doonaa Prof Gaandi halka Gudomiyaha Aqalka Sare uu noqon doono Cabdi Xaashi waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka laga dhigi doonaa Sharoof Xasan Sheikh Adan.
Dhawaan ayaa qorshahaan lagu dhaqaaqi doonaan iyadoona ay isku imaan doonaan Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka kala tirsan Labada Aqal Ee baarlamaanka soomaaliya.
Go’aankan ay qaateen Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya xili shalay Baaralaamanka Federalka uu ku dhawaaqay muddo kordhin Laba sano ah oo loo sameeyay hay’adaha dowladda kaa oo ay si weyn kaga soo hor jeesteen musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo iyagoo dagaal ooge ama hogaaamiye kooxeed u aqoonsaday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.