Xogmaal Media

Qiimeyn lagu Sameeyey Tabinta Wararka Afrika iyo Caqabadaha Hortaagan

Wararka laga tabinayo qaarada Afrika ayaa lagu tilmaamaa in aysan ka turjumeynin xaallada saxda ah ee degagaanada iyo dadka Afrikaanka ah. Wabixin hordhac ah oo dhawaan la siidaayeyna waxaa ay qeexaysaa in dhaqaaluhu uu doorweyn ku leeyahay hab-tabinta guracan ee qaarada.

Wararka qaarada laga tabiyo ayaa ubadan wararka qariban ee dagaalada sokeeyo, musuqmaasuqa, gaajada IWM ah ay u badan yihiin. Hasa ahaatee waxaa jiro warar horumar leh oo dhanka dhaqaalaha, caafimaadka, ciyaaraha iyo siyaasadaba la halmaalo oo qaarada ka dhaca. Warbaahinta reer galbeedka oo ku xiran shirkadaha iyo dowladahooda oo iyagu dano guracan ka leh qaarada ayaa hormuud ka ah in uu warka Afriko ahaado mid qaraar. Ciwaano, sawirro iyo muuqaalo aan indhaha iyo qalbiga aadmiga u rooneyn ayaa hogaamiyo wararka Afrika ka imaanayo.

Wakaaladda Africa No Filters ayaa sheegtey in 37% tafaftirayaashi ay wareysteen ay hoosta ka xariiqeen in shirkadaha wax ku xayeesiiyo warbaahinta ay awood dheeri ah ku leeyihiin sida wararka Afrika loo tabinayo. 87% tafaftireyaashi ay ka wareysteen 38 dal oo Afrikaan ah ayaa shegay in ay jirto baahi weyn iyo biseyl loo qabo in wararka afriko sida ay yihiin loo sheego. Hasa ahaatee, ay caqabada koobaad tahay dhaqaale lagu xoojiyo in Afrika aysan goob colaadeed iyo dhibaato oo kaliya ee wakaaladaha aduunka lagu qanciyo in ay tabiyaan wararka wanaagsan ee qaarada.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.