Xogmaal Media

Soomaali-Mareykan Askari Boolis ah uu ku Xadgudbey

Askari ka tirsan ciiddanka booliska magaalada Ohio, Columbus ee dalka Mareykanka ayaa si sharci darro u xirey Nin Soomaali Mareykan ah ka dib marki uu la hadley mudo 20 ilbiriqsi ah. Saliim oo ahaa wade taxi ayaa istaagey dukaan hortiis isaga oo sugayey macmiil uu dhigey goobta, dukaankana ka soo adeeganayey. Qisadan oo dhacdey sanad ka hor ayaa hada la ogaadey ka dib marki uu soo bandhigey wariye David Shuster oo degaankaasi ka howlgala.

Sida aad ku arki kartid maqal iyo muuqaalka warbaahintaasi, saliim waxa lagu wargeliyey in uu taagan yahay meel aan loogu tallogalin in baabuurta la joojin. Balse waxa uu ku jawaabey in uu ogyahay qofna uu sugayo. Waxa la weydiiyey in uu askari u dhiibo warqadi wadista baabuurka. Saliim ayaa askari ku yiri ogol, laakiin ii sheeg waxa aan sameeyey. Askarigi ayaa ku amrey ninkan Soomaali Mareykanka ah in uu gaariga ka soo baxo, bilaabeyna in uu ku yiraahdo, “jooji diidista xarigga”. Taas oo ay macnaheedu tahay in askarigigu ku baneysanayo xaq uu u yeesho isticmaalid awood lagu maquuniyo Saliim. Sidaa darteed, ayuu askarigi booliska ahaa u isticmaaley bistoolada danabeysan, oo ah bistoolad ay koronto ka baxdo oo xanuujiso qofka, tabartana ka qaado.

Marki la xirayey Saliim waxa uu codsadey in uu la hadlo qofka ka sareeyo askariga xirayo, waana loo suurtogaliyey. Baaritaan kooban ka dib waxa uu taliyihii baarayey arrinka Saliim ku soo gabagabeeyey in askarigu uu wax qalad ah sameyn. Balse sanad ka dib maqal iyo muuqaalka la baahiyey ayaa muujinayo wax ka Duwan go-aanka taliyahaasi.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.