Iskuul ku yaalo xaafadda Ceder Riverside oo ay caruur badan oo Soomaali ah dhigtaan ayaa lagu dhawaaqey in gabi ahaanba albaabada loo laabayo. Ceder Riverside Community School waxa uu ku yaala xaafad ka mid ah xaafaddaha ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis. Sanaddo badan oo hay-adda xukunto maamulka iskuulka, Hay-adda Jaalliyadaha Midoobey ee Pillsbury, (Pillsbury United Community) ay ku eedeynaysay dib dhac dhanka waxbarashada ah ka dib, go-aan kama danbeys ah ayaa laga qaatey in albaabada loo xirayo 30-ka bisha June.
Hay-adda Jaalliyadaha Midoobey ee Pillsbury, (Pillsbury United Community) oo ah hay-adda uu hoosyimaado iskuulkan ayaa warqadi xiritaanka u dirtay Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Minnesota, Khamiistii aan soo dhaafney. Warqadan taas oo kale ah ka horeeysay middan oo 3 May loo direy maamulka iskuulka oo lagu wargelinayey xiritaanka Iskuulkaasi.
Inkasta oo waalidiinta ardeyda iskuulkan dhigato ay door ku lahaayeen xiritaankiisa, ka dib marki ay ka dacwoodeen hoos u dhaca heerka waxbarasho iyo maamul xumo, hadana qorshahoodu ma ahayn in gabi ahaanba la xiro Ceder Riverside Community School.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.