Dagaalka xoogan ee ay Yuuhuuddu ku hays Falastiin ayaa abuurey dareen bulshada aduunku ay ku garab-istaageyso Falastiin, islamarkaasna kumanaan ay ku mudaharaadayaan magaalooyinka waaweyn ee dunida ee Washington, Mareykan ilaa iyo Tokiyo, Jabaan.
Sabtidi ayey ciidamada Cirka ee Yuhuudda Qasa ku dileen 8 caruur ah, saacaddo yar ka dibna waxa ay duqeyn ku burburiyaan daar 12 dabaq ah oo ay deganaayeen warbaahin madaxbanaan sida Aljezeera iyo wakaaladda wararka ee AP. Arrintan ayaa caalamka waxa looga arkey weerar ay dowladda Yuhuuddu ku qaadey saxaafadda madaxabanaan. Yuhuudda ayaa iyagu ku andacoodeyn in uu weerarkaas lagama maarmaan ahaa.
Madrid, Isbayn, Paris, Faransiiska, Berlin, Jarmalka, Amasterdam, Holland iyo magaalooyin badan oo caalamka ka mid ah ayaa waxa Isugu soo baxay dad aad u tiro badan oo taageerayey falastiiniyiinta. Mudaaharaadyadan oo awalba horey u dhicijirey marka uu dagaal meel ka dhaco, falastiina lagu taageeri jirey marka ay Yuhuuddu weerareyso ayaa waxaa hada ku soo kordhay in halhayski ahaa “Nabad Falastiin”, uu isubedelay “Xornimo Falastiin”.
Dhanka kale, dadka caanka ka ah ee aduunka oo waagi hore ka gaabsan jirey arrimaha noocan oo kale ah ayaa si xoog ah uga hadlayo dagaalkan ay Yuhuuddu ku hayso Qasa. Tirada dadka ka soo horjeeda siyaasadda Yuhuudda ee dalalka reer Galbeedka ayaa sii kordheyso, waana mid saameyn ku yeelaneyso dowladdaha iyo fikirka siyaasiyiinta wadamadaas.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.