Talaalki koowaad ee ka hortaga Kofid 19 ee dalka Mareykanka ayaa u muuqdey mid guullo waaweyn laga soo hoyiyey ka dib marki 60% dadka waaweyn la talaaley. Balse talaalki labaad ayaa noqdey mid ku adkaadey dadka Mareykanka in ay sidii la rabey u qaataan, mana ahan in ay diidan yihiin tilaalka ee waxa ay ka cawdeen helistiisa.
Deegaanada qaar ayaa la yimid hab u fududeynayo dadka raba in la talaalo sidii ay ku heli lahaayeen iyaga oo aan u socdaalin isbitaalada iyo meelihi laga bixinayey gacanti hore. New York waxa dadka lagu talaalayaa goobaha tareenada laga raaco marka ay dadku shaqooyinkooda u socdaan, halka New Orleans ay dadka iridka guryahooda ugu tagayaan.
Arrinta ugu xiisaha badneyd ayaa ka dhacdey Paterson, New Jersey. Gaari nooca dadka badan qaado ee (Van) ka loo yaqaan ayaa lagu qaadayey dadka shaqada u socdo ee subaxdii gacanta taagto ama meelaha safka laga galo ee baabuurta shaqsiyaadku leeyihiin raaco istaago. Inta ay jidka ku sii jiraan ee shaqada loo socdo ayaa lagu durayey si aad talaalkoodi u qaataan.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.