Dugsiga waxbarashada Metro ee Minneapolis ayaa bilaabey in uu ardeyda leh hamiga ciyaaraha ka caawiyo sidii ay ku gaari lahaayeen hiigsigooda iyaga aan waxbarashada ka tageyn. Metro oo ah dugsi ardeyda u diyaariyo in ay ka machadyada iyo Jaamacadaha Mareykanka u gudbaan dhib la-aan ayaa sanadahan danbe ku darey in dhalinta ciyaaraha kala Duwan xiiseysa la siiyo tababar kor u qaadayo aqoonta ciyaarta uu ardeygu jecelyahay.
Macalin Axmed Daahir oo Dugsiga Metro u qaabilsan horumarinta ciyaaraha oo ka waramayo ayaa sheegey, “Sportigu awal sanadadii hore waxaa uu ahaa shan ilaa iyo 12, ilaa afar koox ayey lahaayeen wiilashu, gabdhuhuna labo ayey lahaayeen”. Macalinka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in ay ardeyda ciyaartoyda ahi ka koobnaayeen labo qaybood oo kala ahaa 5aad iyo 6aad oo koox ah, iyo 7aad iyo 8aad oo koox kale ah. Hasa ahaatee, Macalin Daahir aaaa sheegay in aysan jaceylka ardeyga un aysan ku xirneyn ka mid noqoshada kooxaha ciyaaraha ee Dugsiga Metro.
Macalinka ayaa sheegay in shardiga koowaad uu yahay in ardeygu uu joogo heerki waxbarasho ee dugsiga, si uu fursad ugu helo tababarada gaarka ah ee uu Dugsiga Metro ee Minneapolis soo kordhiyey. Ardeyga ayaa la qorayaa heerkiisa waxbarasho marka uu ku biirayo kooxaha, waana lala soconayaa heerkiisa si uusan hoos uga dhicin oo uu u noqdo ardey ciyaaraha oo kaliya ku mashquulsan. Macali Daahir ayaa yiri, “Ardeygo waa in uu kujiro xagal saddex geesood ah oo ka kooban, macalimiinta dugsiga, macalimiinta ciyaaraha iyo waaridka. Saddexdaas waa in uu ku dhexjiraa”.
Tababarka ardeydan ayaa waxaa weheliyo guullo la taaban karo oo ay soo hoyiyeen iyo safari dalka dibadiisa iyo gobollada Mareykanka qaar ka mid ah oo ay ciyaaro u tageen sida, Atlanta, Georgia iyo Columbus, Ohio.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.