Xogmaal Media

Colaad ka Dhaxeyso Shirkad Qudaarta ka Ganacsato iyo Koox Maandooriyaha ka Ganacsato oo Saameysay Holland

Shirkada ka shaqeyso qudaarta oo Holland ku taalo ayaa wajahayso colaad lama filaan ah oo aan ka mid ahayn qataradi la saadaaliyey marki la sameynayey daraasadki lagu sameeyey shirkadan. De Groot waa shirkad la aas-aasey 1930-ki, kuna guuleystey ulajeedooyinka ay ka lahayd suuqa qudaarta iyo u adeegsti bulshada dalka Holland tan iyo 2019-ki oo ay wajahdey colaad aan horey loo saadaalin.

Colaadan ayaa ka bilaabatey moos laga keenaya Latin Amerika oo mid ka mid ah shaqaalaha De Groot ee dalka Holland uu ka dhex helay 400 KG oo maandooriyaha Kookaynta loo yaqaan. Madaxda shirkada ayaa booliska dalkaasi ku wareejisay maandooriyihi, daqiiqado yar ka dibna waxaa shirkadi ku billowdey fariimo dhaar ah oo dhanka telefoonka looga soo direy. Dhaarihi iyo hanjabaadihi ku socdey shirkada ayaa wixi xilligaa ka danbeeyey aad u batey, islamarkaasna gacan ka hadal isubedelay. Waxaa qarax lala beegtey guri ay shirkadu leedahay oo falkaas loo xukumey will 21 jir ah.

Xaley ayey booliska dalkaas Holland wiil 25 jir ah oo bistoolad wata ku qabteen meel u dhow xarun ay shirkadu leedahay. Shirkad De Groot ayaa daraasaad ay sameysay ku tilmaantey goobta ninkan qabtey mid ka mid ah meelaha ay qatarta ugu badan laga imaan karto. Sidaas la adligeed ayey boolisku xilliyo kala duwan wadooyinka xirtaan iyaga oo baaraya baabuurta iyo dadka marayaba. Sharciga Holland ayaa booliska u fasaxayo in ay baabuurta iyo dadka baaraan, maadaama guryo badan oo xaafadaas ku yaallo la xabadeeyey ayaa ku suntey degaankaasi meel qatar ah.

Lama oga halka uu ku dhamaan doono dagaalka ay burcadan maandooriyaha ka shaqeysta ku hayaan shirk De Groot, balse ciidamada amniga ee Holland ayaa garabtaagan shirkadan.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.