Xogmaal Media

Mareykanka oo Cunaqabateyn ku soo Rogey Siyaasiin Itoobiyaan ah

Dagaalka Itoobiyo ee ka socdo gobolka Tigreega ayaa dhaliyey hadalhayn badan oo dunida dacaladeeda ah, dhinacyada ku lug lehna waxaa lagu eedeeyey in ay ku dhaqamayaan xadgudub biniaadanimo. Sidaas darteed ayey dowaladda Mareykanku ku soo rogtey cunaqabateyn madaxda saddex geesoodka ah ee dowladda Itoobiya, hogaanka TBLF (Jabahada xoreynta Tigreega) iyo siyaasiyiin Eritariyaan ah.

Maadaama ay dhinacyada ku lug leh dagaalka aysan sameynaynin dadaal ku aadan ilaalinta xaquuqda aadanaha, ayey dowladda Mareykanka ka maarmi weydey in ay cunaqabateyn ku soo rogto siyaasiyiinta saddexda dhinac, ayuu yiri sarkaal u Hadley Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Faah faahin lagama bixinin waxa ay cunaqabateyntan noqoneyso, marka laga tango in siyaasiyiintaas la siin donin dal-ku-galka Mareykanka.

Ciidamada dalka Eritariya ayaa dagaalka ka qaybqaatey, waxana dunida inteeda badan ay u arragtaa tarsi ay uga aargudanayaan TBLF oo muddo dheer dagaal ciidan iyo mid siyaasadeedba la gashey Eritariya, kagana guuleysatey. Balse waxtarka Qatar aaaa sheegaya in ay Tigreegu gantaalo ku garaaceen Eritariya markii uu dagaalku billowdey. Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiyi Axmed ayaa heshiis nabadeed la qaatey dowladda Eritariya una celiyey dhulkii lagu dagaalamey ee xoogga longa haystey.

Dagaalkan oo dabadheeraadey ayaa waxa billaabey siyaasiyiinta Jabhada TBLF oo muddo 30 sanno ku dhow maamulaysey dalka itoobiya, gabood falna kula kacay qowmiyadaha kale ee dalkaasi. TBLF oo uu hogaamin jirey Meles Senawi ayaa u diyaargaroobeysay in ay Itoobiyo ka go-aan marka xukunka dalka ee ay xoogga ku haysteen lagala wareego. Balse qorshaha kuma aysan darsan in uu hogaanka dalkaas caban karo qof u bareerayo. Colaada TBLF ee Geeska Afrika waxa ay aad u saameysay Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaan kawa ku nool dhulka ay gumeysato ee Soomaali Galbeed.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.