Ciidamada booliska Woodberi ayaa gacanta ku dhigay hooyo Soomaaliyeed oo dhaawac u geysatay laba caruur ah oo ay dhashay. Laamaha caafimaadka ayaa sheegay in labada caruur mid ka mid ah uu dhaawaciisa halis yahay, kaasi oo hada lagu daaweynayo isbitaalka.
Hooyada dhaawaca geysatay oo aan go-aansaney in aan magaceeda qarino ayaa la sheegay in ay in mudo ah la tacaalaysay xanuunka dhimirka, waxaana la sheegay in ay xaaladeeda aysan wanaagsanayn markii ay falkaasi geysanaysay. Cartuurta ayaa da’dooda lagu sheegay 4 jir iyo 6 jir, waxaana jira cunug saddexaad oo isagu ka badbaaday falkan ka dib markii uu ka baxsaday guriga, kaas oo helay gurmad ay u fidiyeen deriska ka dib markii ay maqleen qeyladiisa.
Waxaa Xogmaal u suurtogashey in aan la kulaney hooyada dhashay gabadha falka geysatay iyo qaar ka mid ah ehelada kuwaasi ayey dhacdadan noqotay mid ay ku argagexee. Sida oo kale bulshada Soomaaliyeed ee ku nool agagaarka falka uu falka ka dhacay ayaa ku sasey dhacdada, inkasta oo qaar ka mid ah ay qireen in ay gabadha ahayd hooyo wanaagsan, balse xanuunka uu ku keenay falka ay gashay.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.