Xogmaal Media

Madaxweynaha Mareykanka oo Mudada Joogintaaka u Kordhiyey Soogalooti aysan Soomaalidu ku Jirin

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa joogitaanka dalkaas u kordhiyey soogalooti iyo qoxooti sharci aan ku lahayn oo in la masaafuriyo loo diyaarinayo. Barnaamijkan oo loogu yeero TPS, Temporary Protected Status (Sharciga Kumeelgaarka ah ee Ilaalinayo) ayaa soo jirey waqti dheer, marar badana wadamada qaar dadka ka soo jeedo loo cusbooneysiiyaa.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soogalootiga ka soo jeedo wadamada Hayti iyo Mirmaar ee aan sharciga lahayn u kordhiyey in ay dalkaas ku sii joogaan nidaamka TPS, hasa ahaatee aan wali go-aan laga gaarin soogalootiga ay Soomaalidu ku mid tahay. Sharciga kumeelgaarka ah ee ay dadka Soomaalidi ah ee aan sharciga lahay ay ku joogaan Mareykanka ayaa dhacaya 17 bisha 9-aad ee sanadkan. Xubno ka tirsan aqalka Mareykanka ayaa qorey warqad ay ku dalbanayaan in Soomaalida loo kordhiyo sharciga ku meelgaarka ah. Warqada ay afartaan Xildhibaan qoreen ayaa tilmaameyso qataraha amni ee Soomaaliya ka jirta iyo xanuunka Kofid 19 in aan dagkan loo celin karin.

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa iskudayey in uu sharcigan tirtiro si uu u masaafuriyo dhamaan dadka dalkaasi ku joogo TPS. Hasa ahaatee waxaa lagala horyimid dacwooyin badan oo laga diiwaangaliyey meelo kala duwan oo Marekykanka ah, ugudanbeyntiina waxaa gacanta ku dhuftey oo diidey qaali maxkamadeed. Dadka shircigan ku joogo Mareykan ayaa lagu qiyaasey 320,000 oo ka soo kala joodo 12 dal oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Yaman, Mirmaar, iyo kuwa wadamada Koonfurta Ameerika ah.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.