Xogmaal Media

Kenya oo ku Hanjabtey in ay Diyaaradaha Hay-addaha Gargaarka ka Joojineyso Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa hay-addaha caalamiga ah ee dalkeeda iyo Soomaaliya isaga goosha u sheegtey in ay ka joojineyso duulimaadyada Soomaaliya hadii ay ilaalin waayaan sharuudaha loogu ogolaadey in ay ugu duulaan, inta ay hawadoodu ka xiranyihiin diyaaradaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo warqad hadalo kulul ku qoran yihiin ugu digey hay-addaha gargaarka qaarkood ayaa u sheegay in ay dhuminayaan duulimaadyada sida qaaska ah loogu ogaaladey in ay Soomaaliya ku tagaan, kagana soo noqdaan. Wasiirka ayaa sheegay in ay hay-addaha qaarkood ku xadgudbayaan ogolaashaha qaaska ee iyaga la siiyey si ay shaqadooda u wataan.

Kenya ayaa horaanti bishaan ku dhawaaqdey in duulimaayada Soomaaliya ee dalkeeda ay mabnuucadey mudo afar billood ah. Mabnuucistan ayaa timid maalmo ka dib marki ay dowladda Soomaaliya sheegtey in ay soo celisay xiriirki labada dal ee mudadan danbe sii xumaanayey. Marka laga tago dacwada bada ee Kenya ku dooneyso khayraadka Soomaalida, Kenya waxa ay iskudayeysaa in siyaasiyiinta Soomaalida ku qasabto in loo furo suuqa qaadka oo waqti dheer ka xirnaa, ganacsatadoodana ay aad uga qayliyaan.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.