Dhawaan ayey dowladda Jarmalku qiratey in ay ciidamadooddu gumaad ka sameeyeen dalka Nabiibiya mudo qarni ka badan. Intii u dhaxeysay 1904-ti illa iy0 1908-di ayey dowladda Jarmalka qiratey in ciidankoodi gumeysiga u joogey ay Eileen kumanaan reer Nabiibiyaha. Wadaxaajood dhexmarey labada ka dib ayey Jarmalku balan-qaadeen 1.1 Bilyan oo lacagta Yurub ah in ay magdhow u bixinayaan.
Eheladi dadka la laayaan ayaa diidey magdhowga ay labada dowladood ku heshiiyeen, iyaga oo ku sheegay lacagta 1.1 Bilyanka ah in ay aad u yartahay, iyo waqtiga 30-ka sanno ah oo uu Jarmalku sheegay in uu ku bixinayo oo fog. Waxa kale oo ay ehelada dadka la layaayey ka xumaadeen in uu Jarmalku yiri lacagta ay bixinayaan in ay ku caawinayaan horumarka Nabiibiya. Hasa ahaatee dowladda Nabiibiya ayaa la yaabtey hadalada eheladi dadka ee diiday magdhowga Jarmalka.
Waxaa xusid mudan in dadka la layey ee Nabiibiyaanka ah ay ka soo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay ee dalkaasi, sida ka muuqato qirashada Jarmalka waxa la laayeen 80% labo qowmiyadood oo dadkaasi ah.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.