Xogmaal Media

Waligaa ma Maqashey Suuq Weynaha Ganacsiga Madowga Mareykanka?

Boqol sanno ayaa ka soo wareegtey marki suuqi dadka madow ee Mareykanka ee lagu naaneysi jirey Black Wall Street (Suuqa Madowga ee Wall Street) ay weerareen burcad qorsheysan oo gumaadey ganacsatadi dadka madow, islamarkaasna ku burburiyeen hantidoodi. Suuqan oo ku yaaley magaalada Oklahoma ayaa ahaa mid aad u socdey oo dadka madow ay dhaqaale adag ka sameynayeen.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma, Mareykanka si ay u xussaan dhacdadan qaraar ee lagu laayey dad badan oo madow ah, islamarkaasna lagu burburiyey hantidoodi. Saddex qof oo ka nool dadki ka badbaadey weerarkaas ayaa bulshadi isugu timid Tusla uga waramey sida ay wax u dhaceen. Hadalada saddexdan qof mid ka mid ah ayaa dadka u sheegay in aysan madoow iyo caddaan jidadka u daadsaneyn maalintaas, laakiin uu hilib iyo dhiigoodu uu jidka warnaa.

Taariikhdan oo aan ka mid ahayn kawa Mareykanka aadka loog yaqaan ayey sanadahan danbe aad u soo badanayeen dadka daneeyo. Hada oo ay boqol sanno ka soo wareegtey waxaa yimid qoysas qaarkood ay ka mid ahaayeen awoow ilaa iyo Ilmo yar yar oo kulankan taariikhiga ah cashir looga dhigayey.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.