Kanada: Nin Gurigiisa Xaflad ku Qabtey oo loo Sheegay in Xukunka qof Dilgeystey lagu uu Muteysan Doono
Maxamed Movashagi oo noqdey qofki uguhoreeyey ee gobolka British Columbia ee Kanada oo loo xukumo jabinta sharciga xakameynta Kofid 19 ayaa lagu xukumey hal maalin oo xarig ah magaalada Vancouver ee gobolka British Columbia.
Maxamed oo 42 jir ah ayaa gurigiisa oo ah nooca dabaqa meesha u sareyso gooni ugu yaalo (Penthouse), ayey boolisku weerareen bishi Janaayo ka dib markii ay darisku in badan ka cabanayeen. Guriga ayaa loo badaley meel lagu tunto oo ay dad badan isugu yimaadaan. Booliska Vancouver ayaa sheegay in ay guriga ugu tageen 78 oo isku xoqanayo ciriiri dartiis.Galitaanka ay boolisku guriga Maxamed Movashagi ay galeen ayey sida oo kale ka heleen $8,740 oo cadaan ah. Waxa kale oo ay intaas ku dareen in ay dadka meesha jogey ka mid ahaayeen dad ka mid ah burcada waaweyn ee magaalada, (Organize crime members), iyo naagaha jirkooda ka ganacsado. Maxamed ayaa lagu xukumey hal maalin oo xarig ah, balse isla markiiba la siidaayey maadaama uu intaas ka badan xirnaa inti uu sugayey maxkamada.
Qaaligi xukumey ayaa u sheegay ninkaasi in dil lagu xukumi doono hadii qof ka mid ah dadki gurugiisa joogey uu u dhinto Kofid 19. Ma jiro qof horey loogu xirey xaalada adag ee Kofid-ka iyo xakameyntiisa ee gobolka Britisg Columbia Maxamed ka hor.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.