Doon ay saarnaayeen 81 qoxooti Rugiinga ah ayaa 113 beri bada ku jirtey ka dib marki ay diideen wadamadi ay magangalyada weydiisteen. Doontan oo hada ku soo caarisey dalka Indoniisiya ayaa ilaa iyo 11 bishii labaad ee sanadkan bada dhex heehaabeysay, maadaama laga diidey wadamadi ay tageen.
Dhowr wadan oo ay ka mid yihiin Bangaladheesh, Maleeshiyo iyo Indoniisiya ayaa sababo kala u diidey in ay qoxootigan qaabilaan mudadaas dheer. Wadanka Bangaaladheesh oo hayo qoxootiga ugu badan ee Muslimiinta Ruguunga ah ayaa isagu ku andacoodey in uusan qoxooti kale qaban karin, halka Maleeshiyo ay sheegtey in ay ka cabsatey xanuunka Koronaha in loo keeno. Segaal qof oo ka mid ahaa dadki doontaas saarnaa ayaan ka soo badbaadin wareegi dheeraa ee ay dhowrka billood bada ku dhex wareegayeen, iyaga oo sababo kala duwan u dhintey.
Doonta waxaa saarnaa 49 dumar ah, 21 rag ah iyo 11 caruur ah. Inkasta oo ay hada Indoniisiyo ku sugan yihiin hadana lama hubo in ay sii joogi doonaan dalkaasi, maadaama aan ogolaasho loo siin imaatinkooda ee ay doontu kula caarisey. Qowmiyada Ruhiingaha oo ah Muslimiin ayaa waxaa gumaad iyo barakicin baahsan ku haya dowladda Miirma.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.