Xogmaal Media

Donald Trump oo ku Qudbadeeyey in Doorashadi 2020-ki laga Dhacay

Madaxweynihi hore ee Mareykanka oo la hadlayey xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee North Caroline ayaa sheegay in laga dhacay doorashadi 2020-ki ee uu ku guuleystey Madaxweyne Joe Biden. Qudbadiisi xaley ee uu madaxweyni hore ee Mareykanka u jeedinayey taageerayaasha xisbiga uu ka tirsan yahay ayaan wax badan ka duwaneyn qudbadihiisi ololihi doorashada ee lagag guuleystey sanadki hore.

Intii lagu jirey ololihi doorashadi lagaga adkaadey ayuu Donald Trump caadeystey in uu goobaha ay taageerayaashiisu isugu yimaadaan ka sheego been qayaxan oo aan biyo lagu dhibcin. Sidaas si la mid ah ayuu qudbadiisa xaley waxa lafdhabar u ahaa been uu guullo ku sheegtey iyo kuwo uu ku weerarayey Madaxweynaha talada hayo ee Joe Biden. Donald Trump ayaa sheegay in uu amrey dedajinta sameynta tilaalka lagaga hortagayo xanuunka Koronaha, balse ay cadahay sidii uu isu hortagaaey Dr. Anthony Fuci iyo kooxdiisa oo dadaal ugu jirey sidii loo xakameyn lahaa faafista cudurka Koronaha.

Dhanka kale, Donald Trump ayaa ka been sheegay arrimaha siyaasada dibadda ee dowlada hada jirto, isaga oo Joe Biden ku sheegay in uu qatar ku yahay qaranimada Mareykanka. Beenta iyo hababka qaabka daran ee uu u dhaqmayo Madaxweynihi hore oo aan ahayn wax dhaqankiisa ku cusub ayaa dad badan oo siyaasada midigta ah taageersan ku ridey jahwareer. Fikir aruurin la sameeyey dhawaan ayaa sheegayso in inta badan Xisbiga Jamhuurigu ay qabaan in la dhacay doorashadi madaxweynanimo ee 2020-ki ka qabsoontey Mareykanka, balse wax cadeyn ah oo la soo bandhigey lama sheegin.

Qayb ka mid ah taageerayaashi xisbigan oo dhanka internet-ka kaga qaybgalayey suaalaha iyo jawaabaha ayaa ku baaqey in afgambigi ciidan ee ka dhacay Marma uu tusaale u yahay in mid la mid ah Mareykanka laga fuliyo. Ugudanebynt Donald Trump ayaa dabka ku sii shidey kuwa rumeysan warkiisa ah in doorashadi 2020 ki la dhacay isaga oo yiri, doorashadi 2020-ki waxay taariikhda ku galeysaa in ay tahay danbigii qarniga.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.