Xaalladaha abni ee magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka ayaa ah mid walaac galineysi xeel-dheerayaasha falanqeeyo arrimaha amniga. Dilalka ayaa magaalooyinka qaar waxa ay kor u kaceen 50% sanadki tagey, halka sanadkan 2021-ka ay xaaladu ka sii xumaaneyso.
Magaalada Chicago ee aan aad ka ugu fogeyn (6 oo gaari ah), gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayaa waxaa sanadki tagey lagu diley 750 ruux, taas oo ka dhigan in dilalka magaaladaasi ay kor u kaceen 50%. New York ayaa iyaduna ka mid ah magaalooyinka ay xaaladoodu adkaatey sanadki hore. Dadka la ogyahay in lagu dilay magaaladaasi ayaa dhaafaya 430, taas oo ka dhigeyso sare u kicis gaareysa 40%. Los Angels iyo Philadelphia ayaa ka mid ah magaalooyinka la ogyahay in dilalka ka dhacay sanadki hore ay aad uga badan yihiin sanadkii ka horeeyey.
Xaaladda magaalooyinkaas iyo kuwo badan oo waaweyn ee dalka Mareykanka ah ayaan dhibkan uusan ugu ekaanin sanadkii 2020-ki, balse ay sanadkan laftirkiisu xaaladu ku adagtahay. Detroit ayaa wali hogaamineyso magaalooyinka ugu dilka badan sanad albo Mareykanka. St. Louis, Memphis, iyo Beltimore ayaa ka mid ah magaalooyinka uu dilkoodu aad uga sareeyo halkii uu sanadkii hore mareyey xilligan oo kale.
Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya kama dhacaan dilal soo dhaweyn karro tirada lagu dillo magaalooyinka reer galbeedka ee sheegto in ay ka nabad badan yihiin duniga saddexaad. Inkasto oo ay tiro ahaan ka dad badan yihiin magaalooyinka Xamar iyo Hargeyso, hadana 1% ma dhamo tirada magaalooyinkaas ku dhinto.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.