Booliska magaalada Austan, Texas ee dalka Mareykanka ayaa soo qabtey mid ka mid ah labo nin oo lagu tuhunsan yahay in ay ku luglahaayeen xabado lagu furey goob lagu caweeyo oo farasmagaalaha ku taallo oo ay 14 qof ku dhaawacmeen Sabtidi. Booliska ayaa sheegay in dadka dhaawacmey intooda badan aysan cusleyn dhaawacyadoodo, balse labo ka mid ah ay xaalad adag ku jiraan.
Wax faah faahin ah lagama bixin qofka la xirey waxa uu yahay iyo cadeymaha loo hayo midna. Balse, xafiiska duqa magaalada Austan, Steve Adler ayaa sheegay in eedeysanahaas oo ka mid ahaa labadi nin ee la raadinayey, gacanta lagu soo dhigey. Taliyaha booliska magaalkadaasi ayaa sheegay in intabadan dadki goobtaas ku dhaawacmey ay ahaayeen shacab aan waxbo galabsan. Xoggaha ay ciidamada amniga Austan heleen ayaa sheegeyso in ay israsaaseyntan ka dhalatey isafdhaaf dhexmarey labo kooxood oo dadki meesha joogay ah, ka dibna ay koox ka mid ah xabadeyn billoowdey.
Austan, Texas oo gudaha uga taallo gobolka ayaa ah caasimada, waana meesha ay ku nool yihiin Soomaalida ugubadan ee ku nool gobolka Texas oo ka mid ah gobollada ugu caansan koonfurta dalka Mareykanka.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.