Filashada caalamka ee ku aadan kulanka dhexmari doona Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Joe Biden iyo Vladamir Butin ee Arbacada ayaa kor u sii kacayso. Kulankan oo beri ka dhacayo dalka Iswiisarlaan ayaa la wada dhowrayaa dhanka uu dhaqaaqi doono xiriirka labada dal ee sii xumaanayey tan iyo doorashadi Joe Biden ee sanadki tagey.
Madaxweynaha Mareykanka sir kama uusan dhigin in uu si adag ugu soo diyaargaroobey kulanka dhigiisa dalka Ruushka. Butin iyo sirdoonka dalkiisa ayaaa aad loogu eedeeyey in ay farogelin ku sameeyeen labadi doorosho ee dalkaasi ka dhacdey, qaasatin tii 2016-ki ee Donald Trump madaxweynanimada loogu doortey. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Butin ayaa dhankiisa sheegay in uu soo dhaweynayo wadaxaajood u billowdo madaxweynaha cusub ee Mareykanka. Aqalka Cad ayaa dhankooda sheegay in uu madaxweynaha Mareykanku diyaar u yahay wadaxaajood iyo xiriirka oo la wanaajiyo, balse ay jiraan arrimo culus oo la doonayo in marka hore laga wadahadlo.
Madaxweynaha Mareykanka oo safarkiisi uguhoreeyey tan iyo marki la doortey dibada ugu soo maqan, shirki G7 oo u soo gabagaboobey iyo kan Butin ee beri waxaa u xigi doono kulan NATO oo Biljimka ka dhacayo Isniinta, ayaa sheegey in ay dowladiisu colaad doon ahayn. Wareysi uu Madaxweyne Biden siiyey telefishinka NBC News, ayuu ku sheegay in ay xukumadiisu Ruushka la xaajooneyso.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.