Boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid gobollada Ingiriiska ayaa maanta isugu soo baxay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Dadka oo ka mudaaharaadayey duqaymaha Kenya ay ku hayso Soomaaliya, gaar haan Jubbaland ayaa hortagey xarunta iyo hoyaga Raysal Wasaaraha dalkaas ee Down street 10 loo yaqaan.
Soomaalida oo qaarkood ka yimid degaanada Midwest loo yaqaan ee ay Birmingham iyo Leicester ay ka mid ka yihiin ayaa muujiyey sida ay uga soo horjeedaan duullaanada sharci darrada ah ee ay Kenya ka wado koonfurta Soomaaliya. Dibadbaxayaasha ayaa iskudarey erayo ay ku dhawaaqayeen iyo calaamado ay fariimo ku soo qorteen oo ay dareenkooda ku muujinayeen.

Fariinta mudaaharadaayaasha ayaa ku socotey dhowr meelood oo kala duwan. Marka koowaad waxaa ay fariimahoodu ku socdeen dowlada Ingiriiska iyo bulshada caalamka oo la ogeysiinayey in waxa ay Kenya ka wada Soomaaliya aysan ahayn wax la aqbali karro. Marka xigana waxaa ay fariintaa si toos ah ugu dirayeen dowlada Kenya oo loo muujiyey in ay Soomaalidu ka raali ahayn waxa ay ku dhaqmeyso, dal iyo dibadna laga mudaaharaadayo. Ugudanbeynna waxa fariin loo dirayey dowlada Soomaaliya oo laynta shacabka ay Kenya dhibaateysan aan sidii ku habooneyd uga jawaabin.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.