Xogmaal Media

Tuullo Koonfur Afrika ah oo ay Dadki Dhulqodis ku Yaaceen

Dad ka badan 1000 ayaa illa Isniinti aan soodhaafney qodayo dhul banaan oo ku yaal tuullada kwahlalti ee gobolka Kwazulu-Natal ee Koonfur Afrika. Dadkan ayaa qodista dhulkaan bilaabey ka dib marki nin arri raac ahaa uu keenay tuullada dhagax weyn oo aysan garaneyn, balse ay u qaateen in uu yahay dheeman ama macdanta kale ee aan wax badan ka dhicin.

Dad ayaa ka soo kala safrey geesaha kala duwan ee Koonfur Afrika si ay ugu biiraan dadka nasiib doonka ah ee tuullada Kwahlati ee dhulka qodayo si ay faqriga uga baxaan. Mendo Sabela ayaa ka mid ah dadka dhulka qodaya oo isaga oo la hadlayo wakaalada wararka ee Reuters yiri, “Helitaankan waa mid nolosha wax ka bedelayo”. Waxaa Mendo gacmaha uu ku haystey dhagaxaan yar yar oo birbirqayo ee uu dhulka hoostiisa ka soo saarey qoditaan dheer ka dib.

Wasaaradda Macdan ee Koonfur Afrika ayaa sheegtey in ay xeel-dheerayaal u direyso tuullada Kwahlati si ay qiimeyn cilmiyeysan ugu sameeyaan waxa ay sheegayaan dadkaasi dhulka qodaya. Wasaaradda ayaa intaas ku dartey in ay warbixin ka sameyn doonto wixi ay halkaas kala soo kulmaan.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.