Weerar ka dhacay guri ku yaallo galbeedka magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa waxaa ku dhaawacmey shan qof oo saddex ka mid ah ay caruur tahay. Sida ay boolisku sheegeen caruurta dhaawacantey ayaa kala ah sanad jir, shan jir iyo 11 sanno jir.
Guriga weerarku ka dhacay ayaa waxaa ka socdey xaflad dhalasho oo loo dhigayey sannad jirka dhaawacmey. Cunugan ayaa lagu soo waramayaa in aysan xaaladiisa caafimaad fiicneyn oo uu qatar ku jiro. Galbeedka Toronto waa meelaha Soomaalida ugu badan dalka Kanada ay degan yihiin. Hasa ahaatee ma jiro war ku saabsan qowmiyada dadka uu dhaawaca gaarey iyo kuwa gaystey midna.
Booliska Toronto ayaa sheegayo in ay raadinayaan labo qof oo ay rumeysan yihiin in ay weerarka gaysteen, goobtana ka baxsadey.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.