Dalka Itoobiya ayaa doorasho loo dareerayaa beri oo isniin ah. Doorashadan oo tii u horeysay ee dalkaasi si madaxbaani ah loo galo ayaa wajahayso calabado badan oo suaal gelin karra jiritaanka doorasho loo dhan yahay in dalkaasi ay ka dhacdo.
Caqabadaha ugu waaweyn ee doorashadan ay wajahayso ayaa ka mid ah meello badan oo dalka ka mid ah laga diidan yahay dowladda dhexe ee Itoobiyo. 110 ka mid ah 547-da kursi ee baarlamaanka itoobiya ayaan beri ka mid ahayn kuraasta loo codeynayo. Qaarkood dib ayaa loo dhigey tan iyo bisha 9-aad, halka kuraasta Tigreega aan la aqoon xilliga ka qaban doono. Dagaalka u dhaxeeyo dowladda dhexe ee Itoobiyo iyo maleeshiyada TPLF ayaa u sabab u ah in aan laga codeyn karrin gobolkaasi.
Degaanada Soomaalida ayaa iyagu beri laga codeynayaa. Maamulka Dowlad Degaanka ayaa ah dhulka ugu balaaran ee ay Soomaalidu ka tartameyso, lana filayo in uu si ka nabadoon Itoobiyo inteeda badan ay doorashadu uga dhici doonto. Tartanka ugu balaaran ayaa waxa uu dhexmari doonaa xisbiga talada hayo ee gacansarka la leh Xisbiga dowladda Federaalka iyo Jabhad Xoreynta Wadaniga Ogaadeenya, ONLF.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.