Madaxweynaha Mareykan, Joe Biden ayaa dadajinayo sidii loo soo afmeeri lahaa dhageysiga dacwadaha qoxootiga ku xaniban xuduudka Mareykanka iyo Maksiko ee ay dowladdi Donald Trump ku amartey in ay codsigooda qoxootinimo ku dhiibtaan xuduudka, si hadii aan la ogolaan loogu diido in ay Mareykanka u soo gudbaan.
Dad ku dhow 28,000 oo magangalyo doon ah ayey dowladdi hore ee Mareykanka ku qasabtey in ay xuduudka uu dalkaasi la leeyahay Maksiko ku sugnaadaan si ay dacwadooda u dhiibtaan. Intas badan dadki dacwadooda la qaadeyna waxaa lagu celiyey wadamadi ay ka soo qaxeen, iyaga oo aan fursad loo siinin ay maxkamad horyimaadaan ama racfaan ka qaataan goaanka laga gaarey. Magangalyo doonka ku sugan deegaanad xuduudka ah ee dhanka Maksiko ayaa wajahayo qataro aad u farabadan. Marka laga soo tag qatarta guud ee deegaanadaas ka jirto, qaar ayaa la afduubtey iyaga oo safar u soo ahaa xuduudka, halka qaar kalane ay askarta Mareykanku u diidaan in ay soo gudbaan. Sababaha diidmada ayaa kala duwan oo qaar lagu sheegay in dad xanuunsan la celiyey, balse ay jiraan haween uur leh oo iyaguba loo diidey in ay soo gudbaan.
Dowladda Joe Biden ayaa dalka u ogolaatey 11,000 oo qof halka ay sheegtey in ay soo deynayso dadka ay dacwaduhu u furan yihiin si ay ugu sugaan wadanka gudihiisa. Sida oo kale ayey dowladda Mareykanku sheegtey in ay cafis u fidineyso dadki la diidey, ayna siineyso fursad ay racfaan ku qaataan iyaga oo Mareykan dhexjooga.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.