Xogmaal Media

Warar laga Helayo Jubbada Hoose ayaa Sheegayon in Xildhibaan Cabdirixmaan Dheere uu Ciidan Beeleed Diyaarsadey

Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sheegayo in Xildhibaan Cabdirixmaan Dheere uu duleedka Kismaayo ku diyaarsanayo ciidamo beeshiisa ah oo la sheegay in uu ugu diyaargaroobayo doorashada lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee kursigiis uu yaallo.

Warar ay qoreen warbaahinta Soomaalida ayaa sheegayo in uu Xildhibaan Cabdirixmaan Dheere uu diyaarsadey ciidamo hubeysan oo beeshiisa ah, balse aan tiradooda la ogen. Warkan ma faahfaahin tirada, tayada iyo goobta ay ciidamada ku haybata ah Xildhibaanka ay ku sugan yihiin. Xildhibaanka Cabdirixmaan ayaa saaxiib dhow la ahaan jirey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, balse ay markii danbe kale fogaadeen. Inkasta oo aysan cadeyn waxa dhabta ah ee ay labadan siyasi ku kala fogaadeen, ayaa hadana la tuhunsan yahay in uu Xildhibaan Cabdirixmaan Dheere uu la siyaasad noqdey dowladda Federaalka. Waxaa aad loola xiriiriyaa in uu xiriir dhow la leeyahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxa NISA, Fahad Yaasiin.

Kursiga 124 ayaa ah kuraasta aadka la isugu haysto ee doorashadoodu isha in lagu hayo ay mudan yihiin. Kursigan ayaa hada ka hor la iskudayey in deegaan doorashadiisa laga dhigo Garbahaarey, Gedo oo beesha Shiikhaal aan deegaan u ahayn, balse uu Xildhibaanku kala cararayey Madaxweynaha Jubbaland ee ay siyaasada ku coloobeen. Kuraasta xildhibaanada ayaa sannadkan laga welwelsan yahay in uu dhiig badan ku daadan doono, hadii aan Ilaah farad u furin.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.