Xogmaal Media

Shirkad Ganacsi oo uu Leeyahay Donald Trump oo Danbi Weyn lagu soo Eedeeyey

Ururka Trump (Trump Organization), oo ah xudunta ganacsiga madaxweynihi hore ee Mareykanka Doonald Trump ayaa lagu eedeeyey qiyaano canshuur dhunsi la xiriirto oo ay 16 sanno sameynayeen. Xeerilaalinta Gobolka New York ayaa ururkan baaritaan dheer oo ay ku wadeen ka dib, ku soo eedeeyey aashuur dhunsi.

Canshuurtu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lafdhabarta u ah jiritaanka dowladnimada ee wadamada horey u marey, waana danbiyada uguwaaweyn ee lagu eedeeyo bulshada wadamadaas. Danbigan ayaa ka mid ah danbiyo badan oo la filayey in madaxweynihi hore ee Mareykanka lagu soo oogi doono marka uu xafiiska ka tago. Hasa ahaatee, danbigan canshuur dhunsiga ah ee hada lagu soo eedeeyey shirkadiisa iyo madaxa ganacsiga ee shirkadiisa ma ahan mid isaga toos loogu haysto. Balse, reedeynta shirkadiisa iyo madaxiisaha dhaqaalaha, Allen Weisselberg ayaa ah mid isaga laftirkiisa baaritaano culus uu kala kulmi doono.

Allen Weisselberg iyo Ururka Trump oo ah shirkada xudunta u ah ganacsiyadiisa ayaa lagu eedeeyey Khamiisti in ay been abuureen warqadaha dhaqaale ee shirkada. Been abuurkan oo ay ku qarinayeen dhaqaalaha soogala si canshuurta ay bixinayaan u yaraato ayaa soo socdey tan iyo 2005-ti. Xafiiska Xeerilaalinta New York ayaa sheegay in baaritaanka shirkadan uu sii soconayo, dacwaduna ay furnaan doonto. Taas ayaa laga yaabaa in ay dhalaiso in ugudanbeyn Donald Trump maxkamad loo soo taago danbiyadan qaybo ka mid ah.

Taageerayaasha Donald Trump ayaa arrintan u Darko mid ay Wadaag Xisbiga Dimuquraadiga iyo Madaxweyne Joe Biden oo ay asalkeedu tahay in lagaga hortaga musharaxnimada Madaxweynanimo ee Donald Trump ee 2024. Hasa ahaatee, Donald Trump iyo qoyskiisaba waxaa waligood ku socdey dacwado noocaan ah oo qaarkood lagu helay, qaarna ay wali socdaan. Qiyaanada canshuurta ee madaxweynihi hore ayaa dacwadeeda ka soo bilaabatey 1990-ki oo isaga iyo walaalkiisba lagu eedeeyey. Awoowgiis ayaa dalka Mareykanka ka cararey isaga loo haysto canshuur.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.