Xogmaal Media

Dad Badan ayaa Mareykanka ugu Dhintey Kaladuwanaashaha Fikir ee Cudurka Karonaha

Tan iyo marki uu dilaacay cudurka safmareenka ee Koranaha ayaa waxaa dhacayey ismaan-dhaaf ku saleysan kaladuwanaashaha fikir ee cudurka Karonaha ee dadka Mareykanka, kaas oo marmarka qaar dhalinayey dhibaatooyin dadka qaar ay iskula kacayeen oo gacan hadal uu ku jiro.

Fikir ahaan waxaa aad u kala fog dadka kala taageersan mabaadiida xisbiyada Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ee arragtidooda loo kala saaro middag iyo bidix. Xisbiga Jamhuuriga oo dadka dhanka middigta fog ah ay ku badan yihiin ayaa ka cagajiidey aqbalaada in run ahaan uu u jiro Kofid 19. Halka Dimuquraadiyiintu ay mabda’ ahaan aqbalsan yihiin run ahaanta cudurkan, islamarkaasna ay u heel an yihiin sida ay dowladdu qabto in looga hortago.

Gobollada Koonfureed ee uu Jamhuurigu ku xoogbadan yahay waxa ololaha ka hortaga Karonaha ka biyadiidey siyaasiyiin iyo shacabba, halka siyaasiyiintooda heer federaal ay arrintaas la qabeen. Inta badan gacan hadalka iyo dhibaatooyinka laxariiro cudurkan ee Mareykanka ka dhacayna waxa uu ahaa dhankooda. Liquitta Walis oo 41 jir ahayd ayaa bishi in dhaaftey lagu diley Decature, Goergia. Liquitta oo ka shaqeynaysay dukaan ayey ninka diley waxa ay kala hadashey xirashada maaska, ka dib dood dheer oo dhexmartey waxaa uu aadey gurigiisa oo uu qoriga uu ku diley ka soo qaatey.

Ma ahan Liquitta oo kaliya dadka u dhintey arrimaha la xariiro ismaandhaafka siyaasadeysan ee ka taagan sida ay Mareykanku ula tacaalayaan cudurka Karonaha.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.