Warbixin aan si toos ah looga soo saarin Ururka Midowga Afrika ayaa lagu shaaciyey baraha bulshada, lamana hubo in ay tahay mid kama danbeysta ah ee ay hay-addu soo saari doonto. Hasa ahaatee dowladda federaalka ayaa ka jawaabtey warbixintaas iyaga oo ka biyodiidey qiimeynta ay sameeyeen guddiga madaxabanaan ee Midowga Afrika.
Waxa la sheegay in guddiga madaxabanaan ee Midowga Afrika uu sameeyey qiimeyn xaallada Soomaaliya oo dhowr meellood taabaneysa. Warbixintan oo 35 bog ka kooban ayaa lagu faahfaahiyey qodobada soo socda.
- Arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo saamaynta hannaanka guud ee dowlad dhisidda
- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM)
- Wadashaqaynta ka dhaxaysa Midowga Afrika (AU) iyo beesha caalamka
- Faahfaahin ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya
- Waddooyinka u furan howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya 2021 kaddib
- Xoggo la ogaaday
- Iyo talooyin
Waxyaabaha ay warbixintan qeexeyso ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin saameynta faragelinta shisheeye ee arrimaha siyaasada dalka iyo midda ay qabiilo gaar ah oo awood muuqato ku leh wax kasta oo Soomaaliya ka jira ay ku hayaan hanaanka dhismaha dowladnimo. Warbixintu waxa ay si kulul uga hadashey muddo kordhinti dhacdey bishii afraad ee xukumada ay sameysatey.
Dowladda Soomaaliya oo jawaab diidmo ah ka soo saartey warbixintan iyaga oo ku gacanseyray talooyinka ay soo jeediyeen.
Warka dowladda iyo faahfaahin ku saabsan warbixinta kala soco Xogmaal dhawaan.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.